Deeq A. Posted June 22, 2022 Xiisad amni ayaa saacadihii la soo dhaafay ka jirtay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Mas’uuliyiinta Gobolka Sool ugu magacaaban Somaliland ayaa sida wararku sheegayaan qaarkood dalbadeen ilaalo dheeriya tan iyo markii habeen hore halkaas lagu dilay marxuum Maxamed Aflahaar. Lama soo werin cid loo qabtay dilkii marxuumkaas oo ka tirsanaa xisbiga UCID ee Somaliland islamarkaana ugu magacownaa Gobolka Sool. Maamulka Somaliland ayaa lagu dhaliilay in aysan waxba ka qaban dilalka qorshaysan ee ka socda degmada Laascaanood kuwaas oo aysan jirin cid loo qabto. PUNTLAND POST The post Xiisad amni oo ka jirta magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites