Sign in to follow this  
Deeq A.

Warqad dacwad ah oo loo gudbiyay Baarlamanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa loo gudbiyay dacwad ka dhan ah Wasaaradda Duulista Hawada Puntland iyo shirkad gaar loo leeyahay.

Warqadda la gaarsiiyay Baarlamanka ayaa lagu sheegay in Wasaaradda iyo shirkadda gaarka loo leeyahay ay doonayaan in ay burburiyaan hanti shacab si ay halkaas u geliyaan Nidaamka GPS-ka

Dowladda Hoose ee Garoowe ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay ku raacsantahay tallaabada ay wadaan Wasaaradda Duulista Hawada Puntland iyo shirkadda gaarka loo leeyahay.

Baarlamanka Puntland ee dacwadda la gaarsiiyay ayaa lagu boorriyay in ay wax ka qabtaan arrantan.

5-1.jpg?resize=720%2C918&ssl=1 6.jpg?resize=720%2C829&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Warqad dacwad ah oo loo gudbiyay Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this