Gediid Posted November 26, 2002 This is an article that apppears in Haatuf an independent newspaper in Hargeysa every Thursday. Enjoy -------------------------------------------------- Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydun ka dhegaysataa mawjadaha taag taagan ee kaftan aqoonka ah iyo hirar gaagaaban ee ilaaq-yahanka ah. Akhyaartayada indhaha buur-buuranow waxaynu soo gaadhnay amintii aynu isku fara baxsan jirey ee aan wixii war carro-edeg jira idin huluuqsiin jirey, idinkuna aad weeyada guri jirteen, maantana waxa sanka idinka gelin doonaa weriye ina faro fiiq-fiiq MR. Boole-boole. Warkii oo qaadiraysan Dalka Raashiya ayey ku bakh-bakhtiyeen dad ka badan boqol iyo badh qof, ka dib markii ay askarta Ruushanku waabay ku saydhiyeen gole riwaayadeed ay koox argagixiso lagu sheegay riwaayad fejac leh ku dhigayeen, laakiin riwaayadaasi waxay xumaatay markii ay askarta ruushanku fanaaniintii ku af-rogtay waabayda dadka kaga qoslisa, waabaydaasina waxay nafta ka xayuubisay dhammaan kooxdii riwaayadda dhigaysay iyo dad kale oo tamuuxdaa le’eg, iyadoo ay ilaa laba boqol oo kalena yaq-yaqsi la il-darran yihiin oo cusbataalada lagu mas-maslaxayo. Arintani waxay maryaha ka qoysay madaxweynaha dalka ruushanka Bilaadamiir Buutin, iyadoo ay dawladda Maraykaanku Bilaadamiir ku tilmaantay khashiin dhako yuuban oo aan garanayn sida argagixisada loola shaqaysto iyo sida loo metelo waabayda dadka kaga qoslisa. Nejis-Nejis dhalay oo Maraykaanka u hadlay ayaa yidhi “The Raashiyan Camaan is e buur Aktaris, bikaws they yuusidh baadh kuwaati kiimiko Oh may Sooljar”. Inkasta oo dalka Raashiya argagixisada ku habsatay darteed ay markii hore dunidu la yara calaacashay, hadana waxay dunidu ku orisay markii uu haanka ku dhuftay argagixisadii iyo intii ay haysteen-ba, waxaana lagu eedeeyey in waabayda uu isticmaalay ay suntu ku biyo dhacday oo uu darjiidh meesha ku jirey. Madaxweynaha Raashiya oo ay geeri iyo godobiba u soo hoyatay ayaa bahal cadho ah meel cidla ah isla yuubay, wuxuuna yidhi “Wii aarnot afraydh, wii haaf de ganis and shuut dem Terariisam layk ee Maraykaan”. Kooxdan argagaxa dhigtay may ahayn qaar cusub, balse fagaarayaasha Raashiya waxaa ku cusbaa riwaayadahan oo ah qaar dheel-dheel ahayn ee la iskaga quruufayo, kooxdanina waxa sida la sheegay ay ka soo shaqo tagtay shaan-shaan oo ah qolyaha Ruushanka la kala cuudiyo oo waayo hore loo kala caro-qaaday. Waabaydan oo la sheegay inay ahayd bahal qol ku raag ah waxa loo malaynayaa inuu hore Soofiyeetigu nukliyeer ugu walaaqay oo uu meel ku ilaaway. Caro Sawaaxil Tuulo ku taal Carrada sawaaxiliga ee xagga koonfureed inaga xigta ayaa la sheegay in meeshaa lagu shidayo cuud lagu raadinayo dawladdii Somaliya. Shir indhowaaleba tuuladaa ka qooqayey oo ay shirab iyo qoyto ka dhacayso ayaa fadhfadhaya amuurta abda beeshay, waxayna habar Sawaaxiliyada oo uu Raadyowgu meel afka uga dusiyey sheegtay inay heshiis kala saxeexdeen ragga kala ah: Malaaqyada, Wabarada, cawsleyda, mooryaanta, mudacyaleyda iyo madax-wadhafyada beelaha, waxaana xaajada la kala saxeexday ogolaaday hogaamiye kiishashka, qab-qableyaasha, quuf-quuflayaasha kooxaha ee (e.s.e.s) ina Itoobiya, (e.s.e.n) ina Masar, (e.s.e.r.e) ina Keenya, (e.s.e.m) ina Suudaan, Lax-lax ina Uganda, Ka, ma ina Jabuuti, Na Na ina Nuurto, Dhidhi Khadiijo Warsame, Xaxa Xasan Bariisle, Fafa Farxiya Cali Qaaje iyo Caca Cadow Muuse, waxayna dhammaan kooxahaasi ku heshiiyeen in si ku meel-gaadh ah agagasnimada loo kala joojiyo oo nacasnimada iyo saqajaanimada la kala dabaalo si loo caynaaniyo hanbada ciyaalka Somaliya. Shirkan oo aanan qotadiisa aad u fadh-fadhin, laakiin aan u maleeyey inuu shirarkii hore ka nacasnimo yar yahay, kana juruq-juruq yar yahay, taas oo loo malaynayo inay aamusnaantu ka dhalatay is af-garad la’aan, ka dib markii ay naakhuudayaasha shirka darawalinayaa bahal af-ingiriisi ah oo buur-buuran dabada u qabteen Somalidii meesha soo kuududsatay si aan loola murmin, taas oo la sheegay inay ergooyinkaasi Yes yes-ta la raqleeyeen, No-da yareeyeen. Mid ka mid ah ergooyinkaa ayaa isaga oo amakaagsan yidhi “Adeer yeesta miyaanu awel cadaanku lahaan jirin goormay Kiiniya ka qaaday, mise tolow way ka soo yara amaanaysteen”. Si kastaba xaajadu ha ahaatee shirkan oo ay ilma IGAD hadhuubka u hayaan lama oga inay ka ilbixi doonaan agagasnimadii kuwii hore dubatay iyo inkale. Akhyaartayada dhegaha yuub-yuubanow bal aynu u yara xiiq tirano warka anaga oo iminkana idinku dal-dali doono tix gabay ah: Sidii habar Ibtilo luudaysa oo aad, naag sodoh ah moodo. Ama oday mir-qaan sare la tegay, ood ruux il-darran moodo. I dhegaysta gabaygaan tirshaa, suuqa laga waaye. Shankaroonta soo shuurisee, sharafta luudaysa. Nin ragaa yaaqaanee, ardooy nacasna haw sheegin. Dawladnimo haday digir cad iyo, moofo noqonayso. C/qaasin baa cuni lahaa, ciddi ka qaadeene. Dawladnimo hadday kimis tihiyo, maraq basbaasaysan. Itoobiyaa ayaantii horeba, aayar cuni layde. Sharaab hadday kooke, iyo faanta noqonayso. Jabuuti baa sidii caano geel, soo qudh-qudhin layde. Jaad iyo hadday dadar tahoo, lagu mir-qaamaayo. Anigiyo rag aan garanayaa, gawska gelin layne. Afartaa sidii caano diiq, mawla soo cararay. Coofaadha gabay Bullooy, waad igu cantuugtaaye. Waad iga calyeysaa, sidii calanji buureede. Markaan caashaq fiiq-fiiqayaad, iga carshaysaaye. Argagixiso gabay baad tahee, waan la garanayne. Orod iga Ruush baa la yidhi, Dumaradii laaye. Cawralaay tamaandhaad tihiyo, Liin la soo dhiliye. Marna diric la soo iibiyoo shiid ah, baad tahaye. Hadii roob ku helo, iga walaad yara qoyaantaane. Timo baabuleeyey, adaan belo ku moodaaye. Shaydaan basiire leh, jin boos la mirataaye. Allaw yaa intuu kula balamo, kaaga baxa caawa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted November 26, 2002 Indeed...that's wat "kaftan-dhable' is all about. Talk about "Standard Somali" this is it for me! And the gabay is copied from Dhoodaan's jacbur..he poinered that! Si wacan oo wanaagsan baan u dhoola cadeeyey..hehe Quote Share this post Link to post Share on other sites