Sign in to follow this  
Deeq A.

Musuq-maasuq lala yaabay oo ka dhacay wasaaradda caafimaadka ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa laga war helay musuq maasuq lala yaabay oo ka dhacay xarunta wasaaradda Caafimaadka ee maamul goboleedka Puntland.

Wasiirka caafimaadka maamulka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa xaqiijiyay in la lunsaday 300 kartoon oo ay ku jireen Buskutka Plumpy Nut oo loogu talagalay in la siiyo carruurta ay soo wajahday nafaqo-xumada.

Lunsashada Buskutkan ayaa kusoo aaday xilli baahi weyn loo qabay isticmaalkiisa, iyadoo abaaro ba’ani ka jiraan Puntland ayna carruur badan la ildaran yihiin nafaqo darro sida ay xaqiijiyeen hey’adaha qaabilsan arrintaas.

Qaar kamid ah waardiyaasha wasaaradda Caafimaadka qeybteeda Garoowe ayaa u dhacay mid kamid ah bakhaarada kaydka Buskutka sida uu xaqiijiyey wasiirka caafimaadka oo la hadlay warbaahinta.

Wasiirka ayaa sheegay inay kaamirooyinka qarsoon ka heleen muuqaalo muujinayo cidda qaadatay Buskutka, wuxuuna sheegay inuu falkaas ka dhacay laba bil ka hor iyagana ay horey ka ogaadeen.

Wuxuu iska fogeeyay inay masuuliyiintu ku lug leeyihiin arrintaan, isagoo sheegay inay haatan socoto baaris iyo sidii shaqaalaha dambigaas galay loogu qaadi lahaa maxkamad.

The post Musuq-maasuq lala yaabay oo ka dhacay wasaaradda caafimaadka ee Puntland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this