Deeq A. Posted June 21, 2022 Maxkamadda derejada kowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa maanta mar kale la hor-keenay shabakad ku eedaysan Shabaabnimo. Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa maxkamadda ka hor akhriyay gal-dacwadeedka laga diyaariyay eedaysanayaasha iyo caddaymaha loo hayo kiiskooda. Maxkamadda ayaa sidoo kale dhegaysatay jawaabta qareennada difaacaya eedaysanayaasha iyo doodda ay ka celinayaan gal-dacwadeedka xeer ilaalintu soo gudbisay. Maxkamadda ayaa ugu danbayn dil toogasho ah ku xukuntay raggaas oo magacyadoodu kala yihiin: Jaamac Aaden Tusbaxle, Ayuub Cumar Shire, Cabdullaavi Salaad Boos, Maxamud Abshir Muuse iyo Cabdiraxmaan Ciise Axmed Laahoor oo maqane ah. PUNTLAND POST The post Puntland oo dil ku xukuntay rag lagu helay Shabaabnimo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites