Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Rooble oo shirkii ugu dambeeyey u qabtay golaha wasiirada + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shirkii ugu dambeeyey u qabtay xubnaha golaha wasiirada ee kasii tegaya shaqada, kaas oo ahaa mid mahad-naq iyo is macsalaameyn ah.

Kulanka oo ay kasoo qaleen dhammaan xubnaha golaha wasiirada ayaaa sidoo kale dib loogu loogu eegay howlihii u qabsoomay xukuumadda muddadii ay shaqeyneysay.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS ee shaqada ka sii tagaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay,” ayaa lagu yiri war  qoraal ah kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xafiiska kasii tegaya.

Rooble oo kualnka ka hadlay ayaa sidoo kale xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya ugu mahadceliyey sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen inta uu xafiiska joogay.

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay sii wadista howlaha qaranka iyo gacan siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Mudane Xamza Cabdi Barre iyo dowladda cusub.

Ra’iisul wasaaraha xafiiska baneynaya ayaa lagu xasuusan doonaa waxqabadkiisii muddada uu xafiiska joogay, gaar ahaan sida uu u maareeyey doorashooyinkii ka dhacay dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbedel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May oo xilka madaxweynaha mar labaad loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud oo isna ra’iisul wasaare u magacaabay Xamza Cabdi Barre oo deegaan ahaan ka soo jeeda Jubbaland.

288730798_377694027793083_60930667712323 288853094_377693961126423_81801305450770 289274421_377694004459752_13766659532272 289400573_377692064459946_54535987911387 289433387_377692011126618_41430189463613 289454168_377692124459940_67726951909481 rooble.jpg?resize=696%2C392&ssl=1

The post R/W Rooble oo shirkii ugu dambeeyey u qabtay golaha wasiirada + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this