Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socday Midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Barnaamijyada Cadaaladda iyo Amniga ee Midowga Yurub marwo Veronique Geoffrey oo ay wehelinayeen Sophia Omoro oo ka socotay safaaradda dalka Sweden.


Ujeedada guud ee kulanka ayaa daarnayd is xog-waraysi guud oo la xidhiidha iskaashiga soo jireenka ah iyo saaxiibtinimada qotada dheer ee ka dhaxaysa dalalka midowga Yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay xubnaha waftiga iyo Guddoomiyuhu iska waraysteen barnaamijyada ay dalalka Midowga Yurub iyo Sweden iska kaashadaan Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi lahaa mustaqbalka wadashaqaynta ka dhaxaysa.


Guddoomiyaha ayaa uga waramay waftiga koboca Hay’adaha Garsoorka dalka, gaar ahaan Maxkamadaha Guurguura oo kaalin mug leh kaga jira xallinta khilaafaadka, waxaanu ku dheeraaday is-bedelada muuqda ee ka hirgalay Hay’addaha Garsoorka gaar ahaan dhanka cudduda shaqaalaha, waxaanu Midowga Yurub ku booriyay in ay sii wadaan wada shaqaynta ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland.


Masuuliyiinta Waftiga ayaa geestooda ka waramay sida ay ugu faraxsanyihiin barnaamijyadda horumarineed ee ka midho dhalay dalka, gaar ahaan Waaxda Garsoorka oo marba marka ka danbaysa koboc baaxad lihi ka muuqanayo, waxaanay ballan-qaadeen in ay sii wadayaan iskaashiga soo jireenka ah ee ay la wadaagaan Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this