Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddigii isu xilqaamay inay dhexdhexaadiyaan Xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaridka ah oo la kulmay wasiirka arrimaha gudaha

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan Ballaadhan la qaatay Madaxdhaqameedka, Culimaa’udiinka iyo Xubno ka mid ah Golaha Guurtida Somaliland, kuwaasoo isu xilqaamay inay dhexdhexaadiyaan Khilaafka u dhexeeya Xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaridka ah.

Kulanka ayaa lagaga wadahadlay dardargelinta hawlaha socda ee ku saabsan xallinta khilaafka u dhexeeya mucaaradka iyo Xukuumadda.

Kulan ayaa ku soo dhammaaday is afgarad buuxa.

Dhinaca kale Waxgaradkan ayaa la filayaa in maanta ay kulan la qaataan madaxweynaha Somaliland.

289251615_593288059028575_26329846794022 289323642_593287962361918_85750547237520 289394017_593287915695256_53608954227436 289396373_593288395695208_57749144017584 289447937_593288969028484_69839476549120 289459063_593288692361845_39377506294112 289464765_593289895695058_58165741404538 289486949_593288332361881_33194466921893 289559504_593288802361834_23974354022539 289575063_593287995695248_25991585486713 289584957_593287765695271_80519617409613

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this