Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uul ka tirsan xisbiga UCID ee Somaliland oo xalay lagu dilay Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
Aflahaar.jpg?resize=634%2C471&ssl=1

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay mas’uul ka tirsan xisbiga UCID ee Somaliland.

Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in Guddoomiyihii xisbiga UCID ee Gobolka Sool Maxamed Axmed Faarax (Aflahaar) lagu dilay xaafad kamid ah Laascaanood.

Dabley hubaysan oo dilkaas fulisay ayaa sida la sheegay goobta isaga baxsaday lamana soo werin ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda dilka.

Magaalada Laascaanood waxaa mudda dheer ka socda dilal qorshaysan oo lagu laayay dad kala duwan kuwaas oo aysan jirin cid loo qabto.

PUNTLAND POST

The post Mas’uul ka tirsan xisbiga UCID ee Somaliland oo xalay lagu dilay Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this