Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Belgrade (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia Mudane Aleksandar Vučić ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Serbia, Mudane Maxamed Cabdullahi Axmed.

Dalalka Soomaaliya iyo Serbia waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo ku saabsan Iskaashiga labada dal, xiriirka labada dal ayaa soo bilowday Sanadka 1960 bishii October.

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa la wadaagay Madaxweynaha Serbia dhambaal salaan iyo sida Soomaaliya ay uga soo kabanayso mudadii ay Dowlad la’aanta aheyd.

Madaxweynaha Serbia ayaa dhankiisa sheegay in labada dal ay leeyihiin Taariikh iyo xiriir dheer, hadda ay Serbia diyaar u tahay xoojinta xiriirka soo-jireenka ahaa.

Xiriirka Muqdisho iyo Belgrade ayaa ahaan jiray mid aad u wanaagsanaa ka hor inta aysan dowladda dhaxe ee Soomaaliya aysan burburin, waxaana ka faa’iideysan doona cilaaqaadka labada dal ganacsatada iyo arday badan.

bb1.jpg?resize=696%2C463&ssl=1 bb2.jpg?resize=696%2C639&ssl=1 bb3.jpg?resize=696%2C695&ssl=1

The post Sawirro: Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this