Deeq A. Posted June 20, 2022 Xagjirka waxa beera Salafiyiinta. Xagjirka waxa beera Salafiyiinta. Cinwaankani waxa uu ka mid yahay cinwaannada kitaabka la yidhaahdo: (زخرف القول), ee ay qoreen labada diktoor ee kala ah: 1) Fahad Alcajlaan iyo 2) Cabdalla Alcujeyri. IFTIIMIN: Ujeedka loo adeegsado weedhan: “Xagjirka waxa beera Salafiyada”, waxa weeye in dadka la nacsiiyo, ku abtirsiga manhajka loo yaqaanno Salafiga ee maanta dunida muslimka saameynta togan weyn ku leh. Marka aynnu salafiga leennahay waxa laga yaabaa, in ay dadka qaarkood ku soo degdegto, kooxdan la yidhaahdo “Jaamiyada” ama “Madkhaliyada” ama deegaankeenna looga yaqaanno “Salafiya jadiidiya”, oo iyagu beryahan danbe si gaar ah magaca isku koobay oo dadka kale iska xigsiiya, magacuse qoladaas wuu ka gudo ballaadhanyahay, ficilladoodana in badan oo ka mid ah looma nisbayn karo. Noocyada madaahibta muslimiinta ee dhanka caqiidada waxa markii hore loo qaybin jiray si guud, saddex nooc: 1- Mad’habka ahlal xadiiska, oo beryahan danbe ku salafiyadu ugu muuqaal weyn yihiin kooxaha ku abtirsada. 2- Mad’habka ashaacirada iyo 3- Mad’habka maaturiidiyada. Beryahan danbe ee ay hana qaadeen xarakaatka baraarugga Islaamku, gaar ahaan wixii ka danbeeyey dhicitaankii khilaafadii Islaamka ee Cusmaaniya, waxa dhanka madaahibta fikriga ah iyo kuwa caqiidada ahba loo qaybiyaa saddex qaybood: 1- Salafiyada – Mad’hab ahlal xadiis ayaa loo nisbeeyaa. 2- Ikhwaanka- ma laha mad’hab go’an oo dhanka caqiidada ah, ashaaciro, way leeyihiin, salafiyiin way leeyihiin, suufiyana waa laga helayaa dalalka qaarkood. 3- Duruqa suufiyada, oo inta badan ashaaciro ah. Dabcan, waxa jira xarakooyin kale oo kuwaasna wax la wadaaga waxna kaga duwan, aanse lahayn baaxadda iyo saameynta ay kuwani leeyihiin. Kooxaha islaam la dirirka ahi – ha ahaadeen gaalo muuqda ama kuwo islaamka si guud u sheegta haddana la dirira e, sida calmaaniyiinta iwm -, marka ay doonayaan in ay si dhuumasho ah Islaamka u duraan, magacyadaas ayay beegsadaan, gaar ahaan sida ay u kala horreeyaan ayay duriddooda u kala horreysiiyaan. Marka ay qolyahaasi magacan salafiyada sidaa aynnu ku ku xusnay u adeegsanayaan uma jeedaan kooxdaa Jaamiyada la yidhaahdo ee la curatay imaatinkii ciidamada Maraykanka ee dawladaha khaliijka sannadkii 1991, sheekhooduna ahaa Maxamed Amaan Aljaami oo Asal ahaan Xabashi ahaa, ee waxa loola jeedaa saxwadda ballaadhan ee ku abtirsata mad’habkii ahlal xadiiska, xilliyadan danbena marka la maagayo lagu sunto wahaabiyada. Dacwadda salafiyadu waxa ay ku faaftay dhammaan caalamka Islaamka iyo jaaliyadaha ku nool wadammada aan muslimka ahaynba. Xarakooyinkaa salafiyada ee dunida ku faafay ma jirin hoggaan maamul oo mideeyaa, sida jamaacada Ikhwaanal Muslimiinka oo kale, laakiin waxa midaynayay keliya manhaj guud oo ay wadaagaan iyo culimo marjic cilmi u ahaa, hase yeeshee waddan kastaa waxa uu lahaa maamul dacwo iyo nidaam u gaar ah oo hawlaha dacwadda lagu kala tartiibiyo. Soomaalida dhexdeeda Jamaacada ictisaam (جماعة الاعتصام بالكتاب والسنة), waa jamaacada asal ahaan u metesha selefiyada geeska afrika, waana jamaacada ugu ballaadhan xarakooyinka dacwadeed ee soomaaliyeed debed iyo gudaba, marka la eego dhanka culimada, dhanka hawlaha dacwadeed, masaajidda iyo maraakista ay gacanta ku hayaanba, marka la eego dhanka mu’sasaadka waxbarasho ee ay maamulaan, hay’adaha khayriga ah, madaxdhaqameedka, ganacsatada iwm. Ictisaam maadaama oo ay saameyntaa ballaadhan leeyihiin, waa dabiici in ay cadow yeeshaan, ha ahaado cadowgaasi mid shisheeye oo hawlaha diineed ama bulsho ee ay dadkeeda u hayso ku colaadiya ama ha ahaado mid dano uu lahaa ay caqabad ku noqdeen, ama ha ahaado mid hinaase iyo xasad awgii u colaadinaya e. Sidaa awgeed in ceebo ama khaladaad ka dhacay jamaacada la buunbuuniyo ama ceebo aan jirin lagu nabnabaa waa wax dabiici ah oo an layaab badan lahayn. Marka la eego xidhiidhkooda kooxda Alshabaab ee xasuuqa badan u geystay bulshada soomaaliyeed muslimka ah, Icisaamku waa kooxda keliya ee sida ugu adag uga hadlay khaldanaanta dariiqa ay shabaabku hayaan, waa kooxda keliya ee ay shabaabku culimadooda beegsadaan, waana kooxda keliya ee aan ka dhex shaqaynin deegaamada ay shabaabku ka taliyaan ama gacantoodu si sahlan u gaadhi karto, dhammaan xarakaatka kale ee baraarugga islaamka ama saxwada ku abtirsadaa way ka shaqeeyaan deegaamada shabaabka culimadoodana lama beegsado! Haddaynu ku noqonno kitaabkii Sukhruf alqawl, waxa ay labada qoraa odhanayaan: “Xadgudubka diintu, tadarufku, waa dhashii salafiyada, waa midhihii salafiyada, weedhahaas iyo kuwo la mid ah ayaa la adeegsadaa, iyada oo ujeeddo keliya laga leeyahay oo ah: In ay salafiyadu sabab u tahay xagjirnimada, isla markaana iyagu ay qaadayaan masuuliyadda dhibaatadeeda oo dhan, waayo dhammaan kooxaha xagjirka ahi waxa ay sheegtaan salafiyo, waxaanay daliishadaan usuusha iyo kutubta salafiyada, waxaanay wax ka soo qaataan culimadooda, taasina waxa ay caddaynaysaa in ay mushkiladdu salafinnimada tahay oo ay salafiyadu dhashay! Sida kuu muuqata odhaahdani waxa ay cuskanaysaa in uu jiro xidhiidh ka dhexeeya xagjirnimada iyo salafinnimada, taasina ay si cad uga muuqato qodobbada kala ah in ay xagjirku salafiyada sheegtaan, kutubtooda iyo culimadoodana daliishadaan. Bal u kaadi haddaba, waxa aynnu samaynaynaa isku beddel yar, bal meesha aad salafiya ku qortay ku beddel islaam, ka dibna waxa aynnu eegaynnaa waxa inoo soo baxa, waxa aynnu odhanaynnaa: “Xagjirku waxa ay sheegtaan Islaamka, waxaanay u daliishadaan tadarufkooda iyo in ay ku saxanyihiin fahamkooda iyo falalkoodaba Qur’aanka iyo sunnada Nebiga iyo hadallada Saxaabada, sidaa awgeed xagjirnimada waxa bacramiya oo dhala Islaamka”! Tani ma aha male awaal muran ku dhisan, ee isku xidhka islaamka iyo irhaabka waxa si wayn u adeegsada warbaahinta reer galbeedka iyo kuwa wax ka qaata, iyaga oo qaarkoodna sidaa qaawan u sheegaya, qaar kalena si dadban u dhigaya in uu tadarufku ku abtirsado Islaamka, isla nusuustiisa iyo culimadiisana cuskado! Dhab ahaantii qofka ku doodaya in ay salafiyadu tahay hooyada tadarufka iyo xagjirnimada isaga oo xujadana ka dhiganaya in ay xagjirku usuusha salafiyada, kutubtooda iyo culimadooda daliishadaan, waxa uu jilayaa isla kaalinta ay jilaan kuwa yidhaahda irhaabka waxa dhalay islaamka, waxaanu ku dhacayaa isla gefkii aqooneed, caddaalad darro iyo qasnaan xagga habraaca manhajiyeedka ahaa ee ay ku dhaceen kuwa irhaabka islaamka ugu abtirinayay ku ceebeeyanayay! Sidaa awgeed haddii aad tijaabiso oo aad wayddiiso kan xagjirnimada iyo salafiyada isku dabraya in uu u jawaabo kuwa Islaamka iyo irhaabka isku xidhaya, waxa aad arki doontaa isaga oo fahamkiisaa hore ee caruurnimada ah bushinaya oo daliilkii burinayay halkan u daliishanaya! Waxa uu odhanayaa daliishiga ay xagjirku Islaamka daliishanayaan kama dhigna in uu islaamku xagjir yahay oo daliishigooda waafaqsanyahay, waayo sida ay u daliishanayaan ayaa khaldan! Sida kuu muuqata bushintani waa mid ku dhisan habraac manhaji ah oo caqli ah, waxaanay caddaynaysaa sida ay gef u tahay in la isku xidho xagjirnimada iyo Islaamka, isku xidhkaasina uu yahay mid fahmi darro iyo jahli ku dhisan, mid xadgudub iyo gardarro ah, in ay gef tahay in salafinnimada iyo xadgudubka la isku tolaa!” Sukhrafal Qawl – 337-338. Waxa la yaab leh shakhsi diin u hiilinayo oo dacwad wadaa in uu haddana adeegsado isla agabkii ay adeegsanayeen kooxaha u banbaxay duminta islaamnimada ummaddu, sidee ayaad cadowga diintaada isku af iyo isku adag u noqon kartaan? Waxa aan isleeyahay waa afar arrimood mid uun: 1. In ay qofkaas moogganaan wayni hayso oo uu baraarujin iyo caqli celin u baahanyahay. 2. In uu jahli ku jiro oo waxsheeg iyo wacyi siin u baahanyahay. 3. in uu naceyb xaqa ka daboolay oo jidkan madow ku riixayaa jiro. 4. In uu dhab ahaan kuwaas la ujeeddo yahay oo iyaga u adeegayo. Haddii cudurdaar kale oo lagu badbaadin karo loo helayo ha la ii sheego. Tawfiiqda Alle ha ina waafajiyo. Dr-Abdulqani Hussein Beder Qaran News Share this post Link to post Share on other sites