Sign in to follow this  
Deeq A.

Xafiiska Guddoomiye Madoobe oo Beeniyay Xanuunka Laga Sheegay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa beeniyey wararka sheegaya inuu xanuunsanayo.

Maxamed Xasan Idiris oo ah lataliyaha guddoomiyaha golaha shacabka oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in guddoomiyaha uu Nairobi ayuu joogo, halkaasina uu ka wado kulamo kala duwan, wararka sheegaya inuu xanuunsanayo ay beenaabuur yihiin.

Idiris waxaa uu intaa raaciyey in guddoomiyaha uu dalka dib ugu soo laaban doono maalmaha soo socda, iyada oo laga yaabo inuu guddoomiyo shirka golaha Arbacada soo socota.

Hadalkan lataliyaha afhayeenka golaha shacabka ayaa imaanaya kadib markii ay soo baxeen warar beenabuur ah oo sheegaya in guddoomiye Madoobe ku xanuunsanayo Kenya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this