Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wakiilada Somaliland oo Diiday Xubna Guddiga Doorashada U Soo Magacabay Muuse Biixi, Akhriso

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulan ay xaruntooda magaalada Hargeysa ku yeesheen golaha wakiilada Somaliland, ayaa maanta xildhibaannada lagu hor keenay xubnaha cusub ee ka guddiga doorashooyinka Somaliland.

Xildhibaannada oo guddiga cusub cod gacan taag ah ugu codeeyay ayaa ansixiyay dhamaan xubnaha guddiga, marka laga reebo saddex xubin oo ay xildhibaannada diideen.

Xubnaha la ansixiyay ayaa kala ah :-

  1. Aadan Cali oo uu soo magacaabey xisbiga UCID waxa uu helay 68  cod, sidaas ayaana lagu ansixiyay.
  2. Axmed Yusuf waxa uu helay 39 cod, sidaas ayaana lagu diiday.
  3. Xussen Cabdi Cali waxa uu helay  45 cod, sidaas ayaana lagu ansixiyay.
  4. Axmed Cismaan Xassan waxa uu helay 39 cod, sidaas ayaana lagu diiday.
  5. Cabdicasiis xirsi Warsame waxaa uu helay 49 cod, sidaas ayaana lagu ansixiyay.
  6.  Muuse Xasan Yusuf waxaa uu helay 33 cod, sidaas ayaana lagu diiday.
  7. Faadumo Ismaacil Cabdi waxa ay heshay 67 cod, sidaas ayaana lagu ansixiyay.

Xubnaha la diiday ayaa laba kamid ah waxaa soo magacaabay madaxweynaha Somaliland, halka xubinta kale laga soo magacaabay golaha guurtida.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this