Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wadahadleen Shariif Xasan iyo Mukhtaar Roobow? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo booqasho ugu tegay Sheekh Mukhaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo weli xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyey kulanka dhex-maray labada dhinac.

Shariif Xasan ayaa shaaca ka qaaday inuu salaan iyo sidoo kale is xog wareysi ugu tegay wadaadkaasi oo muddo ku dhow afar sano ku xiran gudaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ka wada-hadleen arrimo ku aadan masiirka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay,

“Waxaan maanta hoygiisa ku booqday walaalkey Mukhtaar Roobow Cali, salaan iyo is xog- wareysi kadib waxaan ka wada hadalnay arimaha masiiriga ah ee dawladda Koonfur Galbeed, guud ahaan mustaqbalka iyo xaaladda Soomaliya,” ayuu yiri Shariif Xasan.

Dhankiisa Roobow ayaa uga mahaceliyey Shariif Xasan booqasha uu ugu tegay, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay inay iska xog wareystaan xaaladaha guud ee dalka.

Kulankan ayaa u muuqdo mid qayb ka ah dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Madaxweyne Lafta Gareen ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Roobow ayaa markii ugu horreysay loo ogolaaday inay soo booqdaan xubno ka tirsan qoyskiisa iyo asxaabtiisii siyaasadda, waxayna arrintaas kusoo beegantay, kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhacday 15-kii bishii hore ee May.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, NISA ayaa cadaadiskii saaraa ka qafiifisay Sheekh Mukhtaar, kadibmarkii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa loo ogolaaday Taleefoon iyo in ehelladiisu ay soo booqan karaan.

Dhamaadkii 2018-kii ayaa Mukhtaar Roobow laga soo xiray magaalada Baydhaba, xilligaas wuxuu ahaa musharax u tartamaya xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

289381296_329565466032706_15446716547180 289261032_329565502699369_55223268860341 289337034_329565492699370_55743245919810

The post Maxay ka wadahadleen Shariif Xasan iyo Mukhtaar Roobow? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this