Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni iyo Axmed Karaash oo maanta ku ballansan kulan albaabadu u xiran yihiin

Recommended Posts

Deeq A.   
4-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa maanta ku ballansan kulan gaar ah oo albaabadu u xiran yihiin.

Kulanka labada mas’uul oo si weyn isha loogu hayo ayaa waxa dalbaday madaxweynaha oo ka cabsi qaba guuxa mooshinka ee weli ka taagan Baarlamanka kaas oo ka dhan ah xukuumadda.

Kulanka ayaa sida la sheegayo ku saabsan xallinta khilaaf xooggan oo dib uga ka dhex aloosmay labada mudane islamarkaana saamayn ku yeeshay hay’adaha dowladda.

Madaxweyne Deni oo shalay la kulmay xildhibaannada Baarlamanka ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne ku xigeenku ay si hoose u xallisan karaan khilaafka jira haddii cadaadiska laga daayo.

Mudanayaasha ayuu ka codsaday in ay joojiyaan dhaq dhaqdhaqaaqyada ay wadaan ee cadaadiska sii saaraya khilaafka isaga iyo ku xigeenkiisa si arrinta hoos loogu dhammeeyo.

PUNTLAND POST

The post Deni iyo Axmed Karaash oo maanta ku ballansan kulan albaabadu u xiran yihiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this