Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo sheegay in aan waxba laga weydiin magacaabidda Ra’iisul wasaaraha cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa markii u horraysay maanta ka hadlay Ra’yigiisa ku aaddan magacaabidda Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in aysan jirin wax wada-tashi ah oo laga la yeeshay magacaabidda Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre isago walaac ka muujiyay arrintaas.

Siciid Deni ayaa sidoo kale cabasho ka muujiyay sida uu u dhaqmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud markii uu magacaabayay Ra’iisul wasaaraha.

Hadalkaas ayuu ka sheegay kulankii uu maanta la yeeshay xildhibaannada Baarlamanka Puntland inkastoo uusan durba si toos ah u mucaaradin Villa Somalia.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo sheegay in aan waxba laga weydiin magacaabidda Ra’iisul wasaaraha cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this