Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Sare oo Ka Dooday Dhismaha Guddiyada Golaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku-xigeennadiisa ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga 1-aad kulankiisa 6-aad ee golaha yeeshay,  kaasoo ka  dhacay xarunta golaha uu ku leeyahay Muqdisho.

Kulanka oo ay soo xaadireen 48 Sanatar, ayaa diirada lagu saaray Dhismaha guddiyada golaha Aqalka Sare, waxayna mudanayaasha qaar ka aragti dhiibteen dood sharci  oo ku saabsan hannaanka doorashada guddiyadda iyo guddoonkooda oo dhowaan lagu lasoo dhisayo.

Golaha aqalka sare ayaa waxaa kulamadiisa ku bilaabay dardar xoogan, waxaana dhowaan lagu wadaa in ay soo gaaraan sharciyo, maadama goluhu wakiillo ka yihiin dowlad goboleedyada danahooda, shirka maanta ayaa waxaa guddoomiyay guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this