Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi Ka Socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo Gaaray Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, ahna kusimaha madaxweynaha Mudane  Cali Daahir Ciid iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Goboleedka Galmudug.

Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub,(UN, IOM & EU) , Kulanka ayaa looga wada hadlay dardargelinta mashaariicda ka socota deegaanada Galmudug, iyo sidoo kale mashaariic kale oo la doonayo in laga fuliyo dhawaan iyo xaaladda guud ee Abaaraha ee ka jira Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa madaxweyne ku xigeenka ku wehlinayay gudoomiye kuxigeenka labaad ee Barlamanka Galmudug marwo Faadumo Abdi Ali wasiiro katirsan xukuumadda Galmudug iyo agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug mudane Osman Macalin Xasan.FB_IMG_1655639970186.jpg FB_IMG_1655639968338.jpg FB_IMG_1655639965530.jpg FB_IMG_1655639963051.jpg FB_IMG_1655639960757.jpg FB_IMG_1655639958498.jpg FB_IMG_1655639956305.jpg FB_IMG_1655639951026.jpg FB_IMG_1655639953323.jpg FB_IMG_1655639948713.jpg FB_IMG_1655639945170.jpg FB_IMG_1655639942457.jpg FB_IMG_1655639939447.jpg FB_IMG_1655639936998.jpg FB_IMG_1655639934025.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this