Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo safarkii ugu horreeyay dibada ugu baxay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1655633130235.jpg?resize=720%2C51

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar uga baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid, wuxuuna safarkiisu qaadan doonaa labo maalmood.

FB_IMG_1655633125502.jpg?resize=720%2C53

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho”.

“Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan” ayaa qoraalka lagu daray.

Waa safarkii ugu horreeyay oo Madaxweyne Xasan dalka dibadiisa uga baxo, tan iyo markii la doortay 15kii Maajo ee sanadkan.

PUNTLAND POST

The post Xasan Sheekh oo safarkii ugu horreeyay dibada ugu baxay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this