Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf ka dhex bilowday culimada Somaliland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Sh. Mustafe Aadan Maxamed oo ka tirsan culimada Ictisaamka ayaa shalay sheegay in Sheekh Cabdillaahi Barbaraawi oo ka tirsan Culimada Salafiyiinta uu ku eedeeyay Jamaacada Ictisaam in ay isku mid yihiin Ururka Alshabaab fikir ahaan, isagoo Sheekh Mustafe Aadan arrintaas ku tilmaamay waxba kama jiraan.

Sidoo kale, Sheekh Maxamed Caydiid oo isna ka tirsan culimada Ictisaamka ayaa sheegay in arrintan ay u gudbiyeen Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta isla markaana ay sugayaan jawaabta xukuumaddu ka bixiso arrintan.

Dhinaca kale, Sheekh Barbaraawi oo isna maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in hadalkaasi ay ka cawdeen culimada ictisaamku uu u hayo caddaymo.

Culimada Salafiyiinta iyo Ictisaamka ayaa ah kuwo si weyn ugu xooggan gudaha Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this