Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacdiyo oo noqotay gabadhii u horreysay oo ku sime Madaxweyne ka ah Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay taariikhda ee ku sime Madaxweyne ka noqota Soomaaliya, kadib markii uu maanta dalka Imaaraadka u baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sacdiyo ayaa ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, waxayna fursadaan heshay, kadib markii uu isna shalay u baxay safar dibadeed Aadan Madoobe.

Sida uu dhigayo dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, xildhibaan Sacdiyo ayaa dalka ka talineysa inta uu mid kood soo laabanayo Madaxweyne Xasan, ama Aadan Madoobe.

Haweeneydaan ayaa baarlamaanka kasoo gashay Puntland, waxayna horey u noqotay haweeneydii u horreeyey ee ku guuleysatay ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka.

Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xoogan, waxaana isla markiiba sawirrada Sacdiyo lagu baahiyey baraha bulshada ay ku wada xiriirto, iyada oo aad loo hadal hayo arrintan.

Haddaba  sidee looga falceliyey?

“Waa markii ugu horreysay ay gabar ku sime Madaxweyne Dalka ka noqoto soo dhawaada hablaheena” ayuu yiri Cabdirsaaq Xirsi Xaashi.

“Halkaas waxaa laga dheehan karaa in aan madaxweyne noqon karno, bal may inoo quuraan hal mar, si xasaanad leh madaxweyne ku noqo,” ayey tiri Aamina Daahir Saciid.

“Soo dhawaaw Ku Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Hambalyo Hablaha Soomaaliyeed,” ayuu isna yiri Cabduqaadir Maxamed.

“Sharaf ayey inoo tahay hambalyo dhamaan dumarka Soomaaliyeed,” ayey tiri Najmo Cilmi oo ka mid ah dadka ka falcelinayey arrintan oo hadal heynta ka dhalisay baraha bulshada.

The post Sacdiyo oo noqotay gabadhii u horreysay oo ku sime Madaxweyne ka ah Somalia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this