Deeq A. Posted June 18, 2022 (SLT-Hargeysa)-Dad aan haybtooda la aqoonsan ayaa dab qabadsiiyay afaafka hore ee guriga uu magaalada Hargaysa ka daganyahay, xogeeyaha guud ee xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi. Xogyaha ayaa qoraal uu Facebook ku baahiyay oo uu soo raaciyay sawiro muujinaya gubasho soo gaadhay afaafka hore ee gurigiisa, ku sheegay in taayir baabuur lagu gubay albaabka dibada ee guriga xili habeenimo ah, taasi oo sababtay in uu dab qabsado albaabka. “Sida Sawirrada hoose ka muuqata, waxaa xalay guriga aan Hargeysa ka deggenahay kadinkiisa lagu gubay Taayir gaadhi oo dabkiisii uu dhaawac gaadhsiiyey albaabka. Sida laga warqabana falkan mid la mid ah ayaa hore uga dhacay guriga guddoomiyaha xisbiga, mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.Waa arrin ugub ku ah Somaliland oo muujin karta, in uu jiro qorshe siyaasadeed oo lagu khalkhal gelinayo ammaanka madaxda xisbiyada mucaaradka. Bilayska ayaan ku wargeliyey kiiskan, sidaas awgeed waxa aan fursad siinayaa baadhistooda, waxa aanan ka warsugayaa talaabada ay ka qaadi doonaan. Waxa se muhiim ah in aan xuso in xukuumadda uu waajib ka saaranyahay sugidda ammaanka muwaadin kasta oo ay ka mid yihiin madaxda xisbiyada mucaaradku, iyada ayaana looga fadhiyaa in ay jawaab ka bixiso sababta ay u dhici karaan foolxumooyin noocan ahi.” Source Share this post Link to post Share on other sites