Sign in to follow this  
Deeq A.

Basaas Ruush Ah Oo Isku Dayay Inuu Si Qarsoodi Ah Uga Shaqeeyo Maxkamadda ICC

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-The Hague)-Basaas Ruush ah ayaa isku dayay inuu si qarsoodi ah uga shaqeeyo Maxkamadda Dembiyada Adduunka (ICC) ee fadhigeedu yahay the Hague, sida ay sheegeen laamaha ammaanka dalka Netherlands.

Ninkan oo adeegsaday magaca Viktor Muller Ferreira ayaa iska dhigay inuu u dhashay Brazil, balse waxaa loo diiday inuu galo xarunta Maxkamadda oo uu doonayay inuu ka shaqo billaabo.

Mas’uuliyiinta dalkaas ayaa sheegay in magaca saxda ah ee ninkaas uu yahay Sergey Vladimirovich Cherkasov, uuna ka tirsan yahay hay’adda sirdoonka millateriga Ruuska ee GRU.

Basaaska ayaa la sheegay inuu sannado badan ku hawlanaa samaynta shakhsiyad been abuur ah, kahor inta aanu maxkamadda ka codsan “shaqo ku tababarasho”.

Hay’adda Netherlands u qaabilsan amniga ee AIVD ayaa sheegtay in haddii ay ninkaas u suurageli lahayd inuu gudaha u galo maxkamadda, ay taasi abuuri lahayd khatar weyn. Dadka yaqaanay ayaa sheegay in Viktor Muller Ferreira uu ahaa nin Brazil u dhashay oo danaynayay xidhiidhka caalamiga ah.

Ruushka ayaa caan ku ah adeegsiga basaasiinta iska dhiga muwaadiniinta dalal kale, waxaana shakhsiyaadkaas u sahlan inay galaangal u yeeshaan meelaha aanay sida caadiga ah u tegi karin muwaadiniinta Ruushka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this