Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo Deeq Gaarsiiyay Ciidankii Alshabaab Kula Dagaalamay Baxdo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug  Cabdiraxmaan Cali Maxamed “Geedaqorow”oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo Wasiiro ka mida Xukumadda Galmudug, ayaa maanta gaaray Baxdo ee Bariga Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug.

Magaalada oo shalay uu ka dhacay dagaal ay kooxda  Al-shabaab soo weeraray deegaanka iyo ciidanka xooga oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa mas’uuliyiinta gaaray waxaa ay gaarsiiyeen deeq kale duwan oo ay ugu talo galeen ciidanka iyo dadka dagaalka qeyb galay, deeqda ayaa aheyd Raashin iyo Neefaf Geel ah oo gaaray 7 Neef.

Guddoomiye Geedaqorow iyo Madaxda kale ayaa amaan u jeediyay ciidanka xooga dalka iyo dadka deegaanka oo guul ka gaaray dagaalkii dhacay, waxaana dagaalkii shalay Galmudug ay sheegtay in lagu dilay 70 dagaalame oo Shabaab ah,iyadoo lasoo bandhigay sidoo kale Hub lagu furtay iyo Darawal waday gaari lagu soo raray walxaha qarxa.

FB_IMG_1655555888186-300x200-3.jpg

FB_IMG_1655555885978-300x200-2.jpg

FB_IMG_1655555890265-300x200-4.jpg

FB_IMG_1655555898845-300x200-3.jpg

FB_IMG_1655555904313-300x200-1-3.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this