Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee kulamada Baarlamanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
1-9.jpg?resize=1000%2C547&ssl=1

Iyadoo lagu wado in uu Sabtida maanta ah qabsoomo fadhiga saddexaad ee Kal-fadhiga Baarlamanka Puntland ayaa waxa golaha ka dhex socda guux ku saabsan mooshin laga keenayo xukuumadda.

Xildhibaannada qaarkood oo xalay kulamo gaar gaar ah yeeshay ayaa isla soo qaaday in mooshin laga keeno xukuumadda madaxweyne  Deni oo ay u jeedinayaan dhaliilo kala duwan.

Inkastoo aysan hadda jirin mooshin diyaarsan oo xukuumadda ka dhan ah haddana hadal-haynta la xiriirta in xukuumadda mooshin laga keeno ayaa ku badan xildhibaannada dhexdooda.

Ajandaha Baarlamanka Puntland oo la ansixiyay ayaa sidoo kale lagu wadaa in maanta la shaaciyo waxaana ajandaha kamid ah la-xisaabtanka xukuumadda.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee kulamada Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this