Sign in to follow this  
Deeq A.

Muran iyo khilaafaad hareeyay maamul u dhiska degmada Eyl ee Gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Muran iyo khilaafaad ayaa weli ka taagan degmada Eyl oo ka tirsan Gobolka Nugaal islamarkaana la doonayay in loo dhiso maamul cusub kadib markii laga qabtay doorasho qof iyo cod ah 25-kii October 2021.

Shirar kala duwan oo lagu qabtay degmada Eyl si loo xalliyo muranka taagan ayaa fashil iyo natiijo la’aan ku dhammaaday kadib markii dhinacyadu isku fahmi waayeen arrintaas.

Shirarka ku saabsan xallinta khilaafaadka degmada Eyl ayaa markii danbe loo wareejiyay magaalada Garoowe balse wax isfaham ah lagama gaarin.

Xallinta murankaas ka aloosan Eyl ayaa loo arkaa mid muhiimad gaar ah u leh dhammaystirka barnaamijka xisbiyada badan ee Puntland oo hadda laga qabtay saddex degmo oo keliya.

PUNTLAND POST

The post Muran iyo khilaafaad hareeyay maamul u dhiska degmada Eyl ee Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this