Deeq A. Posted June 17, 2022 Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ugu yaraan 40 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay deegaan Baxdo, kadib markii dadka deegaanka iyo Galmudug oo iskaashanaya ay ka hortageen weerar ay saaka ku soo qaadeen deegaankaas. Sidoo kale dadka deegaanka Baxdo iyo Galmudug ayaa soo bandhigay gaari waxyaanaha qarax ka buuxaan iyo qofkii waday oo laga qabtay Al-shabaab. Dhankooda Al-shabaab ayaa war ay ka soo saareen dagaalkaas ku sheegay in ay dileen 27 ka mid ah ciidamada deegaanka Baxdo. Xaaladda deegaanka Baxdo ayaa hadda deggan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan Galmudug iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Waa markii labaad oo Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadaan deegaanka Baxdo, balse ay iska difaacaan dadka deegaanka. PUNTLAND POST The post 40 Al-shabaab ah oo lagu dilay Galmudug appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites