Deeq A. Posted June 16, 2022 Nabadoon Cabdiqani Xasan Xuseen (Walloore) oo ka mid ahaa nabaddoonada gobolka Mudug ayaa caawa lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Nabadoonka ayaa la toogtay xilli uu ka soo baxay masjidka Macmuur ee xaafadda Garsoor oo uu ku tukaday salaadda Cishaha, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Marxuumka caawa la dilay ayaa sidaan oo kale 2017 masjidka Macmuur lagu dilay aabihiis Nabadoon Xasan Xuseen Maxamed (Walloore). Laamaha amniga gobolka Mudug ee Puntland ayaa weli ka hadlin dilka Nabadoon Cabdiqani Walloore. PUNTLAND POST The post Puntland: Nabadoon lagu dilay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites