Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Nabadoon lagu dilay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16554016883803580.jpg?resize=720%

Nabadoon Cabdiqani Xasan Xuseen (Walloore) oo ka mid ahaa nabaddoonada gobolka Mudug ayaa caawa lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Nabadoonka ayaa la toogtay xilli uu ka soo baxay masjidka Macmuur ee xaafadda Garsoor oo uu ku tukaday salaadda Cishaha, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Marxuumka caawa la dilay ayaa sidaan oo kale 2017 masjidka Macmuur lagu dilay aabihiis Nabadoon Xasan Xuseen Maxamed (Walloore).

Laamaha amniga gobolka Mudug ee Puntland ayaa weli ka hadlin dilka Nabadoon Cabdiqani Walloore.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Nabadoon lagu dilay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this