Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: R/W Xamze oo wadahadal la yeeshay Madaxweyne goboleedkii u horreeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya, Mudane Xamze Cabdi Barre oo kulamo ka bilaabay magaalada Muqdisho ayaa maanta wadahadalkii ugu horreeyey la yeeshay Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle.

Kulanka Cali Guudlaawe iyo Xamze ayaa ujeedkiisu waxa uu ahaa mid salaan iyo isbarasho ah oo ka dhashay magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee shalay uun la magacaabay.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa marka hore u hambalyeeyey ra’iisul wasaaraha magacaaban, wuxuuna Alle uga baryey inuu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday.

Labada mas’uul ayaa intaasi kadib iska xog wareystay xaaladda dalka, gaar ahaan isbedalka siyaasadeed ee dalka dhacay iyo sidii loo wada shaqeyn lahaa.

Sidoo kale waxa ay diiradda isla saareen wax yaalaha hor tabinta u ah waxqabadka xukuumadda cusub oo ay ka mid yihiin ugurmashada dadka ay abaarahu saameeyeen , amniga dalka iyo arrimaha dib uhishiisiinta.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha cusub ayaa maanta booqasho ugu tegay guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, wuxuuna ahaa kulankoodii u horreeyey oo ahaa mid is barasho ah.

Mudane Xamza Cabdi Barre oo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 11-aad ayaa shalay Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u magacaabay ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, waxaana marka uu helo codka kalsoonida uu ballan qaaday inuu dhisi doono xukuumad tayo leh oo har iyo habeen u istaagi doonto sidii ay u gudan laheyd waajibka loo igmaday

GUUDka-1-1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1Guudka-4.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Guudka-3-1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Guudka-3.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Guudka2.jpg?resize=696%2C495&ssl=1

The post Sawirro: R/W Xamze oo wadahadal la yeeshay Madaxweyne goboleedkii u horreeyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this