Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Maraykanka oo ku dhawaaqay in Maraykanku Ukraine ku taageerayo hal Bilyan oo dollar

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maraykanka ayaa ku dhawaaqay in ay Dalka ukraine ku taageerayaan dhaqaale gaaraya $1 bilyan dollar,oo lagu taakulaynayo dhinacyadda amaanka iyo arrimaha bini’aadanimadda sida biyo nadiif ah oo la cabbo, sahayda caafimaad ee muhiimka ah iyo daryeelka caafimaadka, cunto, hoy, iyo lacag caddaan ah qoysaska si ay u iibsadaan alaabta muhiimka ah, ayuu yidhi Biden.

Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay xilli uu talefoon kula xiriiray madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy si ay uga wadahadlaan dagaalka, iyadoo madaxweynaha Maraykanku uu sheegay in uu dib u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay in Washington ay la garab istaagto Kyiv oo ka dhan ah duullaanka Moscow.

In ka badan 6.98 milyan oo qof ayaa u qaxay dalal kale, halka 7.7 milyan ay ku barakaceen gudaha dalka Ukraine.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Maraykanka oo ku dhawaaqay in Maraykanku Ukraine ku taageerayo hal Bilyan oo dollar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this