Sign in to follow this  
Deeq A.

Qardho: Koox ku eedaysan dilkii Cumar Hiirad oo gacanta lagu dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   
1-7.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Koox ku eedaysan dilkii Taliye Cumar Hiirad Kaarun ayaa dhammaantood gacanta lagu dhigay sida uu xaqiijiyay Maamulka Gobolka Karkaar.

Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan oo si kooban ula hadlay Puntland Post ayaa sheegay in gacanta lagu hayo koox ka kooban afar nin oo ku eedaysan dilkii Taliyihii Saldhiga degmada Qardho  Cumar Hiirad.

Kooxda loo qabtay dilkii marxuumka ayaa loo gudbiyay xabsiga magaalada Qardho waxaana lagu samaynayaa baaritaan si maxkamad loo horgeeyo.

PUNTLAND POST

The post Qardho: Koox ku eedaysan dilkii Cumar Hiirad oo gacanta lagu dhigay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this