Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar Xalay lagu Qaaday Guriga Murashax Cirro

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ciidamo ka tirsan Booliska Magaalada Hargeysa ayaa xalay abaaro saddex-dii habeenimo weerar ku qaaday gurriga Musharrax Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro,waxaana la sheegay in laba gaadhi oo kuwa booliska ahi ay si toos ah u hujuumeen gurriga Musharrax Cirro.
illaalada Musharrax Ciro iyo ciidanka booliska ayaa waxa dhex-martay is rasaasayn cabaar socota,taas oo àan la sheegay illaa hadda inuu wax khasaare ahi uu ka dhashay.


Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidanka booliska oo ku saabsan weerarkan,balse waxa la sheegay in isku daygan ay fashiliyeen illaalada Musharrax Cirro.


Si kastaba ha-ahaatee weerarkan xalay la sheegay inay ciidanka booliska ku qadeen gurriga Musharrax Cirro ayaan si dhab ah loo oggeyn sababta rasmiga ah ee ka dambaysa.


Wariye Cabdi Carab

weerar-cirro-1024x1024.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this