Deeq A. Posted June 15, 2022 Maxamed Xuseen Rooble ayaa ra’iisulwasaarihii hore ee dalka ayaa hambalyo u diray Ra’iisulwasaaraha cusub ee galabta uu magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana xilkaas loo idmaday Xamse Cabdi Barre oo ka tirsanaa golaha shacabka. “Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xamse Cabdi Barre, oo Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud maanta u magacaabay in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha 21aad ee JFS. Waxaan Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u rajeynayaa guul”. Ayuu yiri Mudane Rooble. Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa la horgeyn doonaa Golaha Baarlamaanka si ay u siiyaan codka kalsoonida, kadibna waxaa lagu wadaa inuu soo dhiso xukuumadda federalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu xasuusan doonaa doorkii uu ku lahaa doorashadii dalka ka dhacday. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites