Deeq A. Posted June 15, 2022 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hambalyo u diray Ra’iisulwasaaraha cusub ee xukuumadda federalka ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo loo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha 21-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. “Waxaan hambalyo iyo boggaadin u diraya Xildhibaan Xamse Cabdi Barre oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feferalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, u magacaabay Ra’iisal Wasaaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ” Ayuu yiri Siciid Cabdillaahi Deni oo hambalyeeyay Xamze. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa sidoo kale Ra’iisulwasaaraha la magaacabay waxaa uu u rajeeyay Ra’iisal in alle u fududeeyo mas’uuliyadda “Waxaan Ra’iisal Wasaaraha cusub u rajeynaya in alle u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday” ayuu ku yiri gabagabadii qoraalkiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites