Deeq A. Posted June 15, 2022 Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa madaxweyna Jamuuriyadda federalka mudane Xasan Shiikh oordhow u magacaabay ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya, Xamse ayaa kamid ahaa xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ee Jahuuriyadda, haddaba Goobjoog News waxaa ay idiin soo gudbinaysaa taariikh kooban oo ku saabsan waayihiisa. Xildhibaan Xamse Cabdi Barre waxa uu shahaadada heerka labaad ee waxbarashada ka diyaariyay Maamulka iyo Maaraynta Ganacsiga, Jaamacadda Sayniska iyo Teknoolijiyadda ee Yemen (2001). Waxa uu soo noqday Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka ee Jubbaland (2019—2020); lataliye sare ayuu ka soo noqday Wasaaradda Arrimaha Dastuurka (2015—2019); lataliye sare oo arrimaha maamulka ayuu u soo noqday Duqii Hore ee Muqdisho (2014—2015); Xoghayaha Guud ee Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (Peace and Development Party — PDP, 2011—2017) oo hadda isu beddelay Midowga Nabadda iyo Horumarka (Union for Peace and Development Part — UPD) ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu soo noqday. Xildhibaan Xamse waxa uu waqti dheer ku soo qaatay horumarinta iyo sare-u-qaadista tayada waxbarashada dalka. Waxa uu wax ka aasaasay Jaamacadda Kismaayo, halkaas oo uu ka soo mid noqday maamulka guud ee Jaamacadda Kismaayo. Sida oo kale waxa uu ka mid ahaa macallimiintii Jaamacadda Muqdisho. Waxa uu soo noqday Xoghayihii Guud ee Dalladda Waxbarashada ee FPENS (2003—2004). Xildhibaan Xamse, sidoo kale, waa aqoonyahan, cilmibaare sare iyo indheergarad ku soo shaqeeyay gudaha dalkiisa, isaga oo u soo dulqaatay dhammaan duruufihii kakanaa ee ay ugu darnaayeen dagaalladii sokeeye. Xildhibaan Xamse waa 48 jir xaasle ah oo leh 8 carruur ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites