Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo ballan-qaaday in uu hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad dhinacya kala duwan taabanaysa ka jeediyay Kal-fadhiga 50-aad ee Baarlamanka Puntland oo maanta furmay.

Madaxweyne Deni ayaa khudbaddiisa ku ballan-qaaday in uu dhammaystiri doono barnaamijka xisbiyada badan ee doorashooyinka qof iyo cod oo horay looga qabtay saddex degmo oo kamid ah Puntland.

“Waxaan hortiina ka ballan-qaadayaa in ay iga go’antahay hirgelin doorasho qof iyo cod ah” ayuu yiri  Madaxweyne Siciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhinaca kale ka hadlay waxqabadkii xukuumaddiisa mudadii u dhexaysay labada kal-fadhi iyo arrimaha la xiriira xaaladda Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Halkaan ka daawo khudbadda oo dhan

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo ballan-qaaday in uu hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this