Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

La jiifiyaa bannaan, la joojiyaa bannaan

Recommended Posts

Shalay:

Xasan Sheekh Maxamuud,”Farmaajo waa sidii nin naag ay kala tageen ilmo u dhalayso weli”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, isagoo si gaara isu dul taagay khaladaadka dhinaca sharciga ah ee dhacayay mudooyinkii la soo dhaafay.

Xasan Sheekh Maxamuud oo xubin ka ah siyaasiyiinta u loolamaya doorashada madaxtinimada ee 2021 ayaa eedaymo kulul u jeediyey madaxweyne Farmaajo iyo xubnaha ku gadaaman.

Qaabka hadda ay Villa Somalia shaqada u waddo ayuu ku tilmaamay inay tahay kali talisnimo, isagoo tusaale u soo qaatay ra’iisul wasaare la’aanta dalka ka jirta mudo 53 maalin ah, iyadoo aan xitaa muuqan ifafaalo muujinaya iney socoto soo magacaabisteeda.

“Madaxweynuhu waxa uu sameynayo dastuurka sax kuma ahan, waxba kama duwana Madaxweynaha waxa uu sameynayo nin gabar ay kala tageen weli ilmo u dhaleyso, xaaskii ay kala tageen oo furay asoo weli xaas ay u tahay oo kale waaye, Xukuumadda maanta jirtana waa saas, sharci maaha waa sharci darro,” ayuu yidhi Xasan Sheekh.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.