Deeq A. Posted June 15, 2022 Alle ha u naxariistee Taliyihii saldhiga degmadda Qardho Cumar Hiirad Kaatun ayaa saaka kooxo hubeysan oo cabtooy ah ay ku dileen magaaladda Qardho. Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka marxuunka inkastoo uusan faahfaahin dheeriya ka bixin sida wax u dhaceen. Wararku waxay sheegayaan in Laamaha Amniga Gobolka Karkaar ay ku daba jiraan kooxihii Cabtooyda ahaa ee dilkaas fuliyay islmarkaana aan weli gacanta lagu dhigin. PUNTLAND POST The post Taliyihii Saldhiga degmada Qardho oo la dilay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites