Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo DF raali-gelin ka siisay dhacdadii calanka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa raali-gelin ka bixisay in calanka Somaliland maanta lagu arkay munaasabad uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ku casuumay diblomaasiyiinta caalamiga ah ee ee ku sugan Nairobi.

Munaasabaddaas ayaa waxaa isaga baxay safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan kadib markii uu goobta ku arkay calanka Somaliland iyo wakiilka Somaliland u fadhiya Nairobi. 

Safaaradda Soomaaliya ayaa kadib qoraal ay u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya uga cabatay arrintaas, ayada oo sheegtay in tallaabadaas ay xadgudub ku tahay qarannimada, madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya. 

Ayada oo cabashadaas ka jawaabeysa ayey Wasaaradda Arrimaha Dibeddda Kenya waxay caawa soo saartay qoraal ku socda safaaradda Soomaaliya, kuna bixineyso raali-gelin 

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya waxay qireysaa warqadda kasoo baxday safaaradda Soomaaliya ee ku taariikheysan 14-ka June 2022 iyo inay dareenkeena kusoo jeedisay in calanka Somaliland uu ka mid ahaa calamadii yaalay dhacdo sanadeedkii diblomaasyadda,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya. 

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya waxay ka xun tahay sida aan ku talo-galka iyo munaasibka ahayn ee calanka Somaliland uga soo dhex muuqday dhacdo sanadeedka diblomasiyadda. Wasaaraddu waxay kale oo rajaynaysaa inay dib u xaqiijiso aqoonsiga qarannimada hal dawlad oo federaal ah oo Soomaaliyeed iyo jiritaanka qaranka federaalka Soomaaliya.” 

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay inay aad uga shalaynayso dhibaato kasta iyo ceebtii ka dhalatay arrintan.

Dhacdadii maanta ayaa imaneysa ayada oo Soomaaliya iyo Kenya ay isku soo dhowaadeen kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu Muqdisho u yimid calaamo-saarkii Xasan Sheekh.

Kenya ayaa rajo ka qabta in dib loo fasaxo khaatkii la keeni jiray Soomaaliya, balse dowladda fedeeraalka Soomaaliya ayaa arrintaas ku xirtay shuruudo dhowr ah. Halkan ka aqriso shuruudahaas. 

Hoos ka aqriso warqadda caawa kasoo baxday Kenya
HPSCAN_20220614191105033_2022-06-14_1911

The post Kenya oo DF raali-gelin ka siisay dhacdadii calanka Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this