Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Diyaarinta Sharciyada Misaanidda 2022 oo Kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Kumeel gaarka ahee loo xilsaaray diyaarinaya Sharciga Miisaaniyadda Qaranka 2022 ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay fadhigoodii koowaad , iyagoo iska dhex doortay Guddoonka Guddiga,waxaana loo doortay Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux oo ka tirsan golaha shacabka.

Guddigan oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddoon ka kooban saddex xubnood , waxaana guddoomiye ku xigeen loo doortay Senator Xassan Iidoow Maxamed (Kobac) oo ka tirsan golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda.

Guddigaan oo lagu soo magacaabay kulankii wadajirka ahaa ee labada gole ee Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in ay soo diyaariyaan shaciyada  miisaanidda 2022-ka, xubnaha guddiga ayaa kala ah, mudane Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux Guddoomiye, mudane  Senator Xassan Iidoow Maxamed (Kobac) Guddoomiye ku xigeen iyo  mudane Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur Xoghaye.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this