Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi diyaar uma aha in uu qabto doorasho……Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muuse Biixi diyaar uma aha in uu qabto doorasho……Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi

xirsi-3.jpg
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ee Jamahuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland ayaa ku eedeyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in uusan diyaar u ahayn inuu doorasho qabto isla markaana uu wado jaho wareerin.

“Doorashadii ciddii noo qaban laheyd ma jirto, howsheedii looma dhaqaaqin, diiwaangelintii ka horreysay lama qaban, shaqaalihii lama qorin, markaa hadal la iska yiri bey noqoneysaa haddii la yirhaado waa la qabanaya iyadoo aan muuqan in la qabto” ayuu yiri Xirsi Cali Xaaji Xasan oo BBC-da u warramayay.

Hadalkaan ayaa imaanaya kadib hadal xalay uu magaalada Ceergaab ee gobalka Sanaag, ka jeediyay Madaxweyne Biixi kaas oo uu kaga hadlay muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya xukuumaddiisa iyo xisbiyada mucaaradka ah iyo sidoo kale dibad baxyadii maalmo ka hor ka dhacay magaalada Hargaysa.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dafiray inuu doonayo in doorashada madaxtinnimada Somaliland ay ka dib dhacdo 13-ka November, sidaana loogu kordhiyo muddo xileedkiisa.

“Ma doonayo naaneys la yiraahdo waa loo kordhiyay oo wuu sii dheeraaday. Markii hore hadh cad baanu tartannay anaga iyo mucaaradku, iminkana kuwa soo bixi doona hadh cad baan la tartamayaa,” ayuu yiri Muuse.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this