Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga KMG ee BF oo doortay guddoon cusub + Magacyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga KMG ah ee labada Aqal ee baarlamaanka ee loo xilsaaray diyaarinta Sharciga Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2022-ka ayaa waxay maanta fadhigoodii u horeeyay ku yeesheen magaalada Muqdisho

Kulanka oo ka dhacay xarunta Aqalka Sare ayaa waxay xubnaha guddiga intii uu socday kulankooda iska dhex doorteen guddoonka guddiga, kuwaasi oo si aqlabiyad ah cod gacan taag ah loogu codeeyay.

Hoos ka aqriso magacyada guddoonka cusub:

1. Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux = Guddoomiye

2. Senator Xassan Iidoow Maxamed (Kobac) = Guddoomiye ku-xigeen

3. Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur = Xoghaye

Guddiga ayaa sidoo kale maalmaha soo socda guda-geli doona diyaarinta sharciga Miisaaniyada Qaranka ee 2022-ka, ee la doonayo inay ku shaqeyso xukuumadda soo socota ee uu dhisayo Ra’iisul Wasaaraha uu soo magacaabo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

The post Guddiga KMG ee BF oo doortay guddoon cusub + Magacyada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this