Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddi ka tirsan Baarlamanka Puntland oo booqday xabsiga dhexe ee Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1655203750182.jpg?resize=720%2C48

Guddiga Shuruucda iyo Caddaalada iyo Guddiga Xuquuqda Aaadanaha, Arrimaha Qoyska iyo horumarinta Haweenka Golaha Wakiillada DPL, ayaa maanta u kuurgalay xaalada Eedaysanayasha ku xiran qaybta Booliska Garoowe.

Guddiyada ka socda Golaha Wakiillada, oo kormeerka uu ku wehliyo Xeer ilaaliyaha guud ee DPL, ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal iyo Taliyaha Saldhiga Garoowe, oo faah faahin ka siiyey shaqada Saldhiga iyo eedaysanayaasha ku xidhan.

Sidoo kale, Guddiyada ayaa booqday maxaabiista , iyagoo ka xog wareystay dambiyada lagu soo qabtay iyo sida loola dhaqmay mudada lagu hayo Xabsiga.

Ugu dambeyn, Guddiyada ayaa su’aalo ka weydiiyey arrimaha uu ka hadlay Taliyuhu, iyagoona kula dardaarmay in si waafaqsan dastuurka loola dhaqmo maxaabiista, Maxkamad-na loo gudbiyo marka ay dhamaato shaqada dambi baaristu.

PUNTLAND POST

The post Guddi ka tirsan Baarlamanka Puntland oo booqday xabsiga dhexe ee Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this