Deeq A. Posted June 14, 2022 (SLT-Addis Ababa)-Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay qarax bambaano oo ka dhacay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya. Qaraxan ayaa ka dhashay kadib markii ciidammada ammaanka ay isku dayeen inay hub ka dhigis ku sameeyaan shaqsiyaad la xidhay, sida ay sheegeen booliska Itoobiya. Qaraxan ayaa ka dhacay magaalada Dessie Isniintii. Sida laga soo xigtay ciidamada booliska ee magaalada afar qof oo ay ku sheegeen ‘budhcad’ ayaa la qabtay , waxaana la geeyay saldhigga booliska ah balse waa ay diideen inay ku wareejiyaan hubkii ay wateen. Laba ka mid ah ciidammada ammaanka iyo saddex ka mid ah maxaabiista ayaa ku dhintay qaraxa, kaasi oo ay boolisku ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen raggaas. Olole ay mas’uuliyiintu ugu magacdareen hawl-galka sharciga ah ayaa lagu xidhay in ka badan 6000 oo qof oo ku nool gobolka Axmaarada. Waxaa lagu soo warramayaa in iska hor-imaadyo u dhaxeeyo ciidammada ammaanka iyo kuwa kasoo horjeeda howlgalkaas in uu ka dhacay deegaano dhowr oo ka tirsan Itoobiya. Source Share this post Link to post Share on other sites