Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan oo la kulmay wafdi ka socda Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16551435823318657.jpg?resize=720%

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ay hoggaamineyso ku-xigeenka arrimaha siyaasadda ee xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Victoria Nuland oo uu weheliyo danjiraha dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Larry André.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Villa Somalila, Madaxweyne Xasan iyo Danjire Victoria Nuland ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ee ka dhaxeeya labada dal, sii amba-qaadidda taageerada dowladda Maraykanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dowlad dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.

FB_IMG_1655145016331.jpg?resize=721%2C48

Ku-xigeenka arrimaha siyaasadda ee xoghayaha arrimaha dibadda Maraykankaayaa ayaa sheegtay in dowladda Maraykanka ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso gurmadka abaaraha, maalgashiga, deyn cafiska iyo xoojinta xiriirka diblamaasayeed ee dalalka caalamka, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan oo la kulmay wafdi ka socda Mareykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this