Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo guddi cusub magacabay + shaqada loo igmaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi cusub u magacaabay qaban-qaabada xuska sanad-guurada 62aad ee maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Guddigaan ayaa ka kooban 16 xubnood waxaana loo igmaday inay si siman u xiriiriyaan hay’addaha qaybta ku leh qaban-qaabada maalinta Xoriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu guddigaan magacaabi doona guddi-hoosaad farsamo ee abaabulka maalmaha xoriyadda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Guddigaan ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Warfaafinta, Mudane Cusmaan Abuukar Dube, ayada oo ku-xigeen uu ka yahay Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdillaahi Maxamed Nuur, halka ay xubno ka yihiin Wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Hoos ka aqriso magacyada xubnaha guddiga oo dhameystiran:

wareegto.jpg?resize=696%2C1586&ssl=1

The post Rooble oo guddi cusub magacabay + shaqada loo igmaday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this