Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid ka mid ah ergadii soo dooratay Mahad Salaad oo lagu dilay MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo maanta koox hubeysan ay ka geysatay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Daallo oo ka tirsan degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay nin lagu magacaabi jiray Warsame Ismaaciil oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilayey uu kasoo baxay hoygiisa, kuna sii jeeday goobtiisa shaqada, waxaana meesha isaga baxsaday ragga ka dambeeyey falkaasi.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in marxuumka ay rasaasta ka haleeshay qayba sare, isla-markaana uu ku geeriyooday isla goobta.

Sida ay ogaatay Caasimada Online Marxuumka ayaa sidoo kale ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaan Mahad Salaad oo dhawaan loo magacaabay taliyaha hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, kadib doorashadii uu kasoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Maalmihii u dambeeyey ayaa la sheegay inuu la kulmayey hanjabaadyo uga imaanayey taleefano kala duwan, sida ay shaaciyeen qaar ka mid ehellada marxuumka.

Ciidamada ammaanka ee degmada Howlwadaag ayaa sidoo kale goobta gaaray, waxayna sameeyeen howlgallo kooban, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi.

Dilkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan xiisada xoogan uu wajahayo Mahad Salaad, kadib eedeymo culus oo uga yimid taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Si kastaba, magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo oo ay mas’uuliyaddoodu sheegato kooxda Al-Shabaab.

The post Mid ka mid ah ergadii soo dooratay Mahad Salaad oo lagu dilay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this