Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergeyga Abaaraha u qaabilsan Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay kulan la yeeshay dhallinyaro mutadawiciin ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa xalay kulan la qaatay dhallinyaro u dhaqdhaqaaqda gurmadka abaaraha iyo maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah.

Ergayga ayaa dhallinyarada ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah oo la xariira wayaa aragnimadooda ku aaddan xaaladda abaaraha iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Ergaygu wuxuu dhallinyarada uga mahadceliyay howlaha ay dadka danta yar u hayaan oo gurmadka abaaruhu ugu horreeyaan, wuxuuna ku boorriyay in ay dadaalkooda sii wadaan.

Ugu danbeyn, ergaygu wuxuu dhallinyarada ka codsaday in ay xoojiyaan wacyi-galinta bulshada ee ku aaddan marxaladda abaaraha, si loogu wada baraarugo khatarta abaarta.

PUNTLAND POST

The post Ergeyga Abaaraha u qaabilsan Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay kulan la yeeshay dhallinyaro mutadawiciin ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this