Deeq A. Posted June 13, 2022 Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay guud ahaan dalka Mareykanka si ay ugu baaqaan dowladda in la adkeeyo sharciga hubka, kadib markii dad badan ay ku dhinteen laba weerar toogasho oo ka dhacay gudaha dalkaasi. Dadkii ka qeyb galayay mudaaharaadyadaasi ,ayaa watey boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo ay ka mid ahaayeen “Waxaan rabnaa in aan xorriyadda la toogan”. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa taageeray mudaaharaadyada, isagoo ugu baaqay Congress-ka inay “meel mariyaan sharciga badbaadada hubka ee caqliga saliimka ah”. Inkastoo ay socdaan bannaanbaxyada looga horjeedo hubka,haddana,si loo helo isbadal sharci,waxaa loo baahan yahay in kalsooni looga helo xisbiga Jamhuuriga. Qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday weeraradii toogasha, ayaa horkacaya bannaanbaxyadaasi,waxayna sheegeen in la qaban doono isusoo baxyo guud ahaan ka dhaca dalka, oo ay ku jiraan Washington DC, New York, Los Angeles iyo Chicago. PUNTLAND POST The post Dadka Mareykanka oo doonaya in la adkeeyo sharciga hubka appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites